-
Mudaney magaaladaan jeclee maanku uu tabayo
-
Ilaa miyi misbaax ifinayoo mugdi ka dhowraaya
-
Muraayadda nalaga daawadiyo masraxii Soomaali
-
Mahuraankii geyigeenna iyo maskaxdii baad tahaye
-
Miliilicaada xiisaha leh iyo bilicda muuqaalka
-
Munaasabadihii ciidihiyo ku dhex-mushaaxaada
-
Markaan soo xusuustaan saqdhexe soo mirkacayaaye
-
Maqsuud taan ku noqon laa inaan mar uun ku noolaado
-
Muxibbadana igu reebtayeen muhanayey hee dheh.
-
Anigoo aan marinkii san iyo garan midkii leexsan
-
Malcaamadda haddii aanan tagin alifna ley meerin
-
Oon murabbi kaaga ah i barin miinka iyo wowga
-
Dugsi maamul wacan iyo haddaan Maajo la i geynin
-
Mas’alooyin haddaan ley furfurin maangal iyo maangad
-
Muftaaxii aqooneed haddaan la i mihiibsiinnin
-
Cilmigana aan ley miisi layn mala-awaalkeyga
-
Martabadda aan joogaa malaha maba niyaysteene
-
Maax aan gureyn abidkeed iyo miid ayaad tahaye
-
Madrasadii i soo ababisiyo macalliney hee dheh.
-
Inkastoon masaafaan dhoweyn meel fog kaa joogo
-
Inkastoo maqaarkiyo lafuhu Yurub ku meereysan
-
Miyirkeygu aduu kula jiraa maalin iyo layle
-
Mixnad baas intaad ku sugantoy mashaqo kuu taallo
-
Intey marrasta taada ah jiqaha meehannaabeyso
-
Muluq hooyo laga dilay intey marwo ilmeyneyso.
-
Maxajabad daboolneyd intuu maraxu haabhaaban
-
Mooryaan habaarani intey kugu marqaameyso
-
Madiidinkuna kaa talinayiyo doqonka maangaab ah
-
Maxbuusiin intey kugu yihiin tiro malaayiin ah
-
Inaan ducada kuu mariyo iyo mintidid mooyaane
-
Anigana macaan iima laha manfac la quutaaye
-
Makaankii aan u hiloobay iyo minankayey hee dheh.
-
Hawadaada meeldhaxaadkaa iyo cimilo miisaaman
-
Mowjadaha badweyntii Hindiya maanyo ku dalxiiska
-
Mirihiyo khudaar noocba nooc mooska iyo liinta
-
Mafafaayga beertiisa iyo wabiga kuu muuqda
-
Xoolaha la soo maalayee manno laguu siiyay
-
Macaamilada ganacsiga batiyo moodka la isdhaafsho
-
Meheradaha kala jaad ahee laga mushaar qaato
-
Oy waliba mug shidaal leh iyo macdani kuu dheertay
-
Waa wax aanan maab laga heleyn sidan maleeyaaye
-
Macduunkaan nasiibka u hellneen mahadinney hee dheh.
-
Minnaaradaha kuu astaana iyo mowlacyada diinta
-
Maqaamkaaga hodankiyo Ilaah magacu kuu yeelay
-
Mannaxaanka ka masuugayee dabinka kuu miiqi
-
Oo uu muraadkoodu yahay macsi tallaalkeeda
-
Masjidkoo musqulo laga dhigtiyo majliska xaaraanta
-
Kuwii kacbada ka maseyrayee maagay duminteeda
-
Qoomkii maroodiga wataa lagu misaalaaye
-
Ismaqiiqa ismiidaaminta ah iyo majnuunnimada
-
Mayacadoodse wey eedayaan malaxdey dhuuqaane
-
Meydadkooda iyagoo ka baqan iyo maxaabiista
-
Oo sii mirqaayaadna arag muddo aan dheereyne
-
Muqdishaay Mowlaad leedahaye samir ha moogaannin.
-
Marxaladba wixii kuu qaddaran waa maktuub qorane
-
Maalmahan dhibka ku gaaray iyo mahadhadaan taagan
-
Mashriq iyo maqribba xulufadaa miig ka soo kicisay
-
Moortarka shacabka dabarjariyo madfac daryaamaaya
-
Madaariista ololeysa iyo musxafka deeboobay
-
Mooraduugga muslinkaa la dhacay een mid lagu reebin
-
Agoomaha milicdu shiilatee marin cidlaa daadsan.
-
Mashaa’iikhda Macbadyada dhexdood dhiiggu mulucleeyay
-
Maqaawiirta la ugaarsadiyo Mu’addimiin dooxa
-
Magantaada la xasuuqayee layska marinaayo
-
Haddaad saaka u madluunsantood la musaraareyso
-
Maka iyo hortaa waxa la gubay Muxamed (scw) hoygiise
-
Baqdaad wuxuu Mangoolkii ku dhigay maqashay waagiiye
-
Maantana saqiirrada Maqdis maafiyaa dubannoo
-
Miijinta cunaha leys hayaa maaha kaligaaye
-
Macbuud meeshii lagu caabudaba waa la mirayaaye
-
Miinshaar afbadan iyo haddey maqas ku googoyso
-
Muqdishaay Mowlaad leedahaye samir ha moogaannin.
-
Markuu qooqo aadmigu durbuu marinhabaabaaye
-
Mad-habtiisa intii diidda oo maya tiraa beenta
-
Macaash wuxuu ka raadraadiyaa maxasta laynteede
-
Mu’minnimadan leysku diiddanyee laba mamnuucaayo
-
Mareykanku xadgudubkuu wadiyo macangaggaa Bush ah
-
Mashaariicda Abasiinya iyo mucatab sheegsheegga
-
Munaafaqyada la adeegsadee malafsan laaluushka
-
Oo murux iney kaa dhigaan lagu masruufaayo
-
Mu’aamaradda lama mooga iyo waxay maleegaane
-
Malaa’iga diyaaraa jiroon minit wax seegeyne
-
Marar badan Quraankiyo siduu Sunnuhu noo muujin
-
Ama ay maahmaahdeennu tiri murtida suugaantu
-
Ma guuleysto mujrimkii gardaran moolna wuu liqiye
-
Muqdishaay Mowlaad leedahaye samir ha moogaannin.
-
Waa meerto waayaha adduun midiba ceyn tahaye
-
Muslinnimo waxaad daafacdood madal ka taageertay
-
Wixii carabtan iska maahsan aad maslaxaddeed doontay
-
Afrikada midee waxaad is tiri kalama maarmaane
-
Waxaad dulmiga maareystay iyo midabtakoor diidday
-
Mucaawino waxaad diri jirtiyo meseggo kuu keydsan.
-
Masaafurka ku soo magansadiyo waxaad miskiin kaashay
-
Martisoorka sharafta leh waxaad ku marxabbeyneysay
-
Mashaakilku maruu kugu dhaceed yara madoobaatay
-
Muran iyo hadduu maloba galay mansabka aad joogto
-
Meelkadhac haddaad la kulantood maacaleesh noqotay
-
Iney kuu miciinaan kuwaad midig ka dhowreysay
-
Dummintaada haddey kaba mushtari maalna lagu siiyo
-
Munaaqishada socotaana tahay masixiddaadiiba
-
Taariikhda waxaad muujisaa kuu marqaati ahe
-
Muqdishaay Mowlaad leedahaye samir ha moogaannin.
-
Mag qof aad ka filaneysay iyo mahad uu soo celiyo
-
Manjaxaabo inuu kula damcaa waa mushkilad weyne
-
Muufadaada kuwii lagu korshiyo maraqa kuu gaar ah
-
Sidaad maamadood tahay kuwaad moxogga soo saartay
-
Kuwii dhiiggey kaa muudsadeen macashu xeyrowday
-
Mijihii yaraa iyo markuu muruqu kuuskuusmay
-
Adna muunaddaad beri laheyd cadowgu kaa meyray
-
Muuqdisha haddey kugu dheheen maanla’aantooda
-
Maqalkaagu hadduu cudur ku yahay oy mantagayaanba
-
Oo inba lagugu maadsadiyo masabbid xaal joogo
-
Maamuus anaa kuu hayood ii muhiim tahaye
-
Muqdishaay Mowlaad leedahaye samir ha moogaannin.
-
Maaligga Raxmaankeenna ahi waxa uu maareeyo
-
Sida kownkan loo maamuliyo malagyadow heellan
-
Oo makhluuqa loo kala dabaro mucsjiso weeyaane
-
Jiilaal musiibo ah abaar duunyadii maratay
-
Macaluulna loo la’anayoo maafish yahay baadku
-
Mahiigaan haddii uu curtoo carriga maansheeyo
-
Geedihii mudhta ahaa durbey wada magoolaane
-
Nafleydana waxaan mawdku helin malabsadaan quude
-
Adna marti-u-rooneey haddaad ciil la murugootay
-
Maalin baa insha-Allaahu iman aad mashxaraddaaye
-
Mustacmarku suntuu kugu mudiyo miinaduu dhigayo
-
Mariidkaa laguu qooshayee makastu fuuqeyso
-
Musuqmaasuqiyo maalin buu maradku kaa tagiye
-
Qabyaaladda marbaa midey tahaba leyska maaniciye
-
Oo macangag lagu diimi iyo kaan mabda’ laheyne
-
Muqdishaay Mowlaad leedahaye samir ha moogaannin.
-
Waxa bi’in mujtamacaagu waa mufsid shirqoolkiise
-
Haddii aad makriga nacabka iyo macnaha aad fahamto
-
Oo samaha aad maaggantahay Qaadir meelmariyo
-
Haddii muqaddaskii lagugu dhaqo lagu midoobaayay
-
Maxkamado caddaalada haddii muddaca loo aado
-
Oo uu mas’uul daacadoo miiggan kaa taliyo
-
Haddii uu muwaadinka dulmani helo mudnaantiisa
-
Masaamaxuna faafoo macruuf leysku wada sheego
-
Dadkaadii la kala moosi jiroo wada mataanoobay
-
Oo maqasha edeggeeda iyo mooro ka xoroobay
-
Waa guul mustaqbalkaagu iyo midnimo saafi ahe
-
Maashaa- Allaahuye adoo mulkigaa weynaaday
-
Maaliyad adoo qani ahoo masnac waxsoosaar leh
-
Maraakiibta adigoo dirsida qalab cirkaas meera
-
Oo ciidan laga maago oo magag leh kuu joogo
-
Mudullada Tigreygaa kibree Melles ka soo jeedo
-
Maqalle iyo adigaa xukumi mandaqaddoo idile
-
Muqdishaay Mowlaad leedahaye samir ha moogaannin.
-
Muqdishaay Mowlaad leedahaye samir ha moogaannin.
-
Muqdishaay Mowlaad leedahaye samir ha moogaannin.
-
Muqdishaay Mowlaad leedahaye samir ha moogaannin.