Ciyaartooydii hore ee ciyaaraha kubadda cagta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Toronto ayaa isugu yimid shir loogu gogol xaarayo sidii loo sameyn lahaa gole ay ku mideeysan yihiin Dadkii ka soo qeybgalay shirkan ayaa waxaa kamid ahaa: Cabdullahi Hassan Saalax (Macallin Tuke), Maxamed Farah (Garsoore), Muse Maxamed Nasir (Macallim Muse), Maxamed Axmed Walaayo (Cantar Jeenyo), Cali Maxamuud Ciise (Cali Gurey), Mukhtar M. Axmed (Mukhtar Cuti), Dr. Yusuf Shaqaaq, Maxamed Xaaji (Uurey), Nuur Etop, Libaan Gabeyre, Maxamud Adan (Oday Mursal)Cabdullahi Beyti, Xassan Xarbi iyo Saciid Cumar Cabdi. Shirkan oo ku bilowday jawi qurux badan ayaa waxaa ugu horentii hadalka qaatay qaban qaabiyaha shirkan Libaan Gabeyre, oo isaga ugu horentii u mahadceliyay dhamaan dadkii ka soo qeybgalay, si koobanna ugu sharxay ulajeedada shirkan oo ah in ciyaartooydii hore ee heerka kowaad (Seria A) ay yeshaan Gole ay ku mideeysan yihiin. Iyadoo si weyn looga dooday sidii ay u hergeli lahayd firkradan ayaa ugu dambeyntii leesku raacay in ay tahay mid muhim ah in ciyaartooydan ay yeshaan gole ay ku mideysan yihiin. Gabagabadii shirkan ayaa waxaa lagu doortay guddi kumeel gaar ah oo howshan halkeedi ka sii wada. Guddigan oo ka kooban shan xubin ayaa waxay kala yihiin: Macallim Muuse, Libaan Gabeyre, Cali Gurey, Xarbi iyo Saciid Cumar.
By:mugadishociy.com
|