Wasiirka Horumarinta Caafimaadka ee gobolka Ontario Hon. Jim Watson

Waxaa maalintii Bishan August ahay 18 keedi oo ahayd maalin sabti ka dhacay magaalada Ottawa ee wadanka Canada Tartan Cayaaraha kubada cagta ee dhexmartay dhalinyarada dad yar oo dadoodu u dhaxeyso 15 – 8 Sano. Waxaa tartankaa soo abaabulay Somali Family Servvice centre ee xarunteedi tahay magaalada ottowa,

Waxaa cayaarahan loo kala qaybiyey 2 group, mid ah Junior oo dad ah 8-12 sano iyo mid ah Senior, dadooduna tahay 13-16 sano.
Group walba waa ka koobnaa 4 teams. Waxaad fiirisaa filka kale ee ah schedulkii iyo sida loo kala badiyey.

Runtii waxaa magaalada Toronto uga qeyb galy dahlin da yar oo gaarayey 35 cayaartooy oo dadoodu u dhaxeso 8-16 sano. Waxaana cayaartoydaa hogaaminayey tababarayaasha kala ah Daahir boodaye iyo Dahir Hussein Marshaale iyo Maamulayaasha kale ah Omar Mohamoud, Sadiq Mumin. Bashiir Ebay, Nuuraye iyo Musa., waxaa kaloo halkaas aan ka maqnay waalidka cayaartooyda qaarkood.

Markii aan tagnau magaalada Ottawa runtii waxaa si aad ah noogu soo dhaweeyey maaulayaashii ama abaabulayaashii tartankan oo kala ah Mohamed Dahir, Abdirisaaq koroda iyo Ahmed yusuf.

Markiiba waxaa bilaabmay cayaarihii , please fiiri sida loo kala raayey filka schedulka.

Runtii waxaa halkaas ka dhacay cayaaro aad u qiimo badan, waxayna na soo xasuusisay cayaarihii gobolada. Waxaana halkaas naga maqnaa uun taagerayaasheeni, waxaa meesha soo camiray reer Ottawa oo cayaartooydooda u sacaba tumayey.

Cayaarihii kama danbeysta ahaana waxaa isu soo baxay Toronto VS Ottawa (Junior) iyo Toronto VS Orleans (Senior). Runtii waxaa cayaarahaa goob jog ahaa dad gaaraya 600 oo qof, waxaana halkaas ka dhacday cayaalo aad u qiimo badan waxaana guusha raacday Toronto oo labadii kooba qaadatay kuna aad kaaday 1-0.

Waxaa Munasibadaa ka soo qaybgalay wasiirka cayaaraha iyo caafimaadka ee gobalkan Ontario Jim Watson, halkaasna kooxaheenii ku gudoonsiiyey koobabkii.

Anagoo aah Guidance of Somali Canadian Youth Assoc. ( Daryeelka Dhalinta ) waxaan halkaan mahad uga celinayenaa dhamaan dadkii soo abaabulay kulankaas qiimaha badan oo ah wax ay dhalinteenu u baahantahay, intii waqti kale la galin lahaa dad waaweyn ee weli isu maleynaya in ay mustaqbal cayaartooy ay leeyiin. Gaar ahaan waxaa mahad mudan Mohamed Dahir, Abdirisaaq, Ahmed iyo dhamaan cayaartooydii ka soo qaybgashay iyo maamulkoodaba.

Juniors
Ottawa (4) Vs Toronto (0), Toronto (4) Vs Nepean (2), Toronto (4) Vs Gloucester-1(1)
Championship Game
Toronto (1) Vs Ottawa (0)

Senior
Ottawa (0) Vs Toronto (4), Toronto (5) Vs Kanata (0), Toronto (2) Vs Orleans (0)

Championship Game
Toronto (1) Vs Orleans (0)

 
© Copy rights Mugadishocity .com
eXTReMe Tracker